Iyadoo meel gabagabo ah uu marayo dayactir lagu sameeyay tiyaatarka Qaranka oo ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay, kaddib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) xarigga ka jaray mashruuc la magac baxay ‘Isxilqaan’ oo dhismihiisa ay ka qeyb qaateen shaqaalaha Dowladda dhexe ee federaalka ayaa waxaa la filayaa in dhowaan uu dib u howl bilaabo.
Fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Xasan Aadan Samatar oo ka tirsanaa kooxda hobalada Waaberi isla markaana 70-tameeyadii isaga iyo ku guuleystay tartanka heesaha hirgalay ee lagu qabtay xarunta Tiyaatarka Qaranka ayaa ka sheekeeyay xog muhiim ah oo ku saabsan qiimaha uu fanku ku lahaa dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
Xasan Samatar oo u waramayay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho waxa uu ka sheekeeyay heesta Beled oo uu sheegay in la qaaday sanadkii 1973-kii, isla markaana uu alifay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.
“Heesta Beledweyne dad badan ayaa naga soo dalbaday, waayo waxay ahayd tan ugu dheer heesaha kale, waxaana miraheeda lahaa Cabdi Faarax Jiir” ayuu yiri fannaanka Xasan Aadan Samatar oo sheegay tacsi u diray saaxibada geeriyooday ee ay ka wada tirsanaayeen fanka.
Waxa uu sheegay in riwaayadaha lagu dhigi jiray tiyaatarka ay ahaayeen kuwo aad loo jeclaa, waxaana ka mid ahaa: Galbeed waa la xoreeyay, ha waalnaado jacaylka, sidaa ma isku qabnaa mise qasanaa iyo kuwo kale.
“Dalka haduu burburay fankiina wuu burburay, waayo dal kasta fan ayuu dhisan yahay” ayuu yiri Al-Fannaan Xasan Aadan Samatar oo ka gaabsaday dhibaatada soo wajahday burburkii kaddib xilli la adeegsanayo teknolojiyo casri ah.
Kooxaha fanka Soomaaliya ayaa intaanu dalka burburin kahor sanadkii 1991-kii waxa uu dalka dibadiisa uga qeyb galay tartamo caalami ah, sida wadamada Shiinaha, Jarmalka Bari, Ruushka, Talyaaniga iyo dalal kale, wuxuuna kaalinta labaad ka galay tartan ka dhacayay dalka Ekwatorial Gini.
Xasan Aadan Samatar oo heesihiisa u dhageystaan Soomaalida waxa uu ku dhashay gobolka Bay isagoona heeso dhowr ah ku qaaday luqadda May-ga ayaa sheegay in fankii hore gabdhaha ugu caansan ka mid ahaayeen Khadra, Daahir, Saado Cali, Xaliima Khaliif Magool, Sahro Axmed iyo kuwo kale oo dhammaantood door lixaad leh ku lahaa fanka.
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho – Soomaaliya
[email protected]