Qaramada midooobay ayaa dadaal dheeraad ah ugu jirta sidii dib loogu billaabi lahaa wadahallada maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka Somalia waxaana qaramada midoobay ay labada dhinac kucadaaadineysaa in ay dib ubillaabaan wadahallada maamulka Somaliland iyo dowladda dhexe federaalka Somalia.
Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay uqaabilsan arrimaha Somalia Ambassador James Swan oo booqasho kutagay magaalada Hargeisa ee caasimadda maamulka Somaliland ayaa kulan gaar ah laqaatay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi kulankaasi oo kuqotama taageerada qaramada midoobay ay siiso maamulka Somaliland iyo sidii horay loogu wadi lahaa wadahadallada maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka Somalia wadahadalladaasi oo looga golleeyahay sidii loo dhisi lahaa kalsooni wadajir ah oo labada dhinac ah si loo dhiiragaliyo in ay dib ubillowdaan wadahallada dowlada federaalka Somalia iyo maamulka Somaliland.
Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay uqaabilsan arrimaha Somalia Ambassador James Swan oo warbaahinta kulahadlay magaalada Hargeisa ee caasimada maamulka Somaliland kadib kulan uu laqaatay madaxweynaha maamulka Somaliland muuse biixi cabdi ayaa yiri “qaramada midoobay waxa ay soo dhaweyneysaa dadaallada ladoonayo in lagu dhiso kalsoonida labada dhinac iyo sidoo kale dhiiragalinta in dib loo billaabo wadahallada xukuumada Hargeisa iyo Muqdisho,waxaan aaminsannahay in ay jiraan meelo badan oo kuwanaagsan iskaashi kuwaasi oo lagu keeni karo horumar amni,mid dhaqaale iyo mid bullsho”.
Maamulka Somaliland ayaa kudhawaaqay in ay yihiin dal kamadaxbanaan Somalia inteeda kale markii ay dhacday dowladdii millatariga aheyd ee uu majaraha uhayayay Allaha Unaxariistee Generaal Maxamed Siyaad Barre sanaddii 1991 diii xilligaa oo jabhado hubeysan ay majaraha usiibeen xukuumaddii millatariga aheyd ee dalka katalineysay muddo kusiman 21 sano.