Sida loo diyaariyey Shirqoolka lala rabo Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya ayaa hadda xogo laga helayaa Ee Gaalkacyo laga maleegay.
Madaxweyne Xaaf ayaa Beelo ku diyaarinaya halkaasi si ay mar kale ugu soo doortaan Xilka Madaxweynaha Galmudug.
Lama oga sida ay saameyn ugu yeelan karto Dawlada Doorashada ay ka wado Dhuuso mareeb.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka walaacsan dhabar jebinta uu Xaaf la rabo Doorashada Dhuuso mareeb taas badelkeedana uu is dooranayo.
Waa Naqshad qaab ahaan u eg Doorashadii Axmed Madoobe Ee Kismaayo ka dhacday taas oo ay Dawlada Soomaaliya ka hor timid.
Qaban qaabada Doorashada Xaaf Isla rabo inay Gaalkacyo ka dhacdo Ee Isaga isku soo doorto waxa laga yaabaa inay Carqalad hareyso.
Ciidan Ka socda Dawlada Dhexe ayaa dhawaan gaaray magaaladaasi si ay Uxaniinyo Qabtaan Xaaf,lamana oga sida ay kaga fal celin doonaan Xaaf iyo Kooxda Taageersan.