Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa lagu Eedeeyey inuu Lacag ka bixiyey Kuraasta Xildhibaanada Lasoo xulay Qaarkood.
Beelaha Habar Gidir ayaa ka mid ah Kuwa Uu Kuraastooda iibsatay Ee Shakhsiyaadka uu wato geystay.
25 Xildhibaan ayuu Ra’iisal Wasaare Kheyre ku bixiyey Lacag dhan Kursigii Kun Dollar oo wadarta guud ka dhigeysa in Shan iyo Labaatan Kun Dollar uu ku qarash gareeyey.
Ceyr. 2 Kursi
Sacad. 3 Kursi
Saleebaan. 2 Kursi
Murursade 4 Kursi
Mareexaan. 4 Kursi
Saruur 2 Kursi
Shiiqaal 3 Kursi
Duduble. 2 Kursi
Dir. 2 Kursi iyo Kursi weli aan la cadeyn Beesha laga gatay.
Isku day lala sameeyey Howlwadeenada Xafiiska Ra’iisal Wasaare Kheyre waxay ka gaabsadeen inay ka jawaab celiyaan eedaan soo baxday.
Inta badan Xildhibaanada Cusub Ee 83 Xubnood waxay ballan qaad ka heystaan Dawlada Soomaaliya kuwaas oo Qoor qoor inay ugu shubaan lagula ballamay.
Galmudug ayaa dhiilo Siyaasadeed midii ugu cusleyd Wajaheysa,waxaana Beelaha qaar ay weli diidan yihiin sida loo maray Hanaanka Baarlamaanka lagu soo xulay.
Gudoon si Kumeel gaar ah usii hogaamiya Baarlamaanka Galmudug ayey Saacado ka hor yeesheen,kaas oo Xasan Keynaan Xalane oo da’ ahaan ugu weynaa Xildhibaanada Gudoomiye laga dhigay.
Ma cada Xaalka Galmudug iyo Halka uu ku dambeyn doono.