Booliska Kenya ayaa baadi goobaya maleeshiyaad la rumeysan yahay inay Al Shabaab ka tirsan yihiin kuwaas oo saddex macalimiin ah ku dilay deegaanka Kamuudey ee dhaca magaalada Gaarisa kaddib markii saaka ay weerar ka fuliyeen halkaas.
Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in macalin kale la la’ayahay isla markaasna loo maleynayo inay afduubteen.
Al Shabaab ayaa ilaa 6 weerar ka geystay gudaha Kenya shantii toddobaad ee lasoo dhaafay kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 25 qof.
Weerarkii ugu dambeeyay kooxda waxay ku bartilmaameedsatay anteenada isgaarsiinta iyo saldhig boolis.
Weerarkan ayaa imaanaya xilli dowladda Ingiriiska ay muwaadiniinteeda uga digtay inay safar ku tegaan qaar kamid ah deegaanada dhaca xadka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana kamid ah Gaarisa iyo Laamu.
Xigasho:BBCSomali