Toowxiidka maxaa looga reebay Xaruufta qaar sida, Xarafka: B, M ,W iyo kuwa kale.? Allaah ayaa ku cilmi leh.
Waa Allaah naxariistii, marka Qofka naftu ka bexee, ee xubnaha jirkiisu ey Beelaan Awooda dhaq dhadhaqaaqa, Naftuna ey ku soo ururto Dhuunta ka sare, weli waad dhawaaqi kartaa oo codkaaga waa la maqlayaa, Faruuryuhuna waa dhaqdhaqaaqi karaan.
Haddii ugu dambeeyn ey Faruuryaha ama Bushimuhu ey dhaqaaqa gabaan, Adiga oo aan Bushimaha u baahan ayaad Ashahaadan kartaa. Si aad u tiraa “ Laa Ilaaha Illa laahu” Sababta oo ah, Xuruufta u baahan in Bushimaha la isticmaalo Towxiidka kuma jiraan.
Alla Naxariistii, weli waad heeysataa fursad aad ku sii Ashahaadato, si ey kuugu noqoto fursad Hadal, tii ugu dambeeysay ,haddii intii aad tabarta leheyd taasi kugu badneed , Allana kugu toosiyo ,
Markii aan yaraa ee aan Baadiyaha joogay, Anniga oo 6 jir ah ayaan kullamad la isagu yimaad ka maqli jiray . Ow Nuur Maxamuud AHN oo leh. “Qoowlka Qoowl u Dambeeyo Xaad tiriheen” iyo Dadkii oo mar kaliya wada leh: “ Qoowlu Laa ilaaha illa laahu”.
Adiguba hadda tijaabi Toowxiidka, Adiga oo aan Bushimaha dhaqaaijin ayaad ku dhawaaqi kartaa. waa fursad laguu keydiyay.
Ma tijaabisay. Ajir Alla ha kaa siiyo ee sii badi toowxiidka , Aduunyo wax badan waad soo hadashay, waadna sii hadli doontaa ee kalmada kuugu Dambeeyso Alla ha kaaga dhigo Toowxiidka, oo aad qiri kartid Adiga oo aan u baahan xubnihii kale ee Jirkaaga ee Naftu ka baxday, Annagana sidoo kale. Aamiin. Naxariista Alle badanaa.!!!!!!!.
Qore: Yahya Amir