Musharax madaxweyne Galmudug, mudane Kamaal Dahir Guutaale ayaa safar shaqo maanta ku tegey magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud. Mudane Guutaale oo meel fagaare ah kula hadlay qaybaha kala duwan ee shacabka Caabudwaaq oo si diiran u soo dhoweeyeen ayaa sheegay in Caabudwaaq lafdhabar u tahay dhismaha Galmudug mideysan, loo dhan yahay, iskuna dan ah.
Wuxuu Mudane Guutaale u mahad celiyey Maamulka, Wax garadka, Dhalinayaradda iyo Haweenka Caabudwaaq oo si diiran ugu soo dhaweeyay deegaan ka.
Muddada uu halkaa joogo ayuu Mudane Guutaale si dhow ugu kuur geli doonaa xaaladda deggaanka, tabashooyinka iyo baahiyaha ay qabaan Bulshada ku nool deegaanka. Wuxuu kulama gooni gooni ah la yeelan doona Bulshada qeybaheeeda kala duwan si dhowna u dhageysan doonaa aragtiyadooda ku aadan dhismaha Galamudug.