Post View....

Muhiimad intee le’eg ayuu leeyahay saldhiga Mareykanka ee Shabaab ay weerareen?

0
92

aliska hawlgallada Mareykanka ee qaaradda Afrika ee magacooda loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa xaqiijiyey in saldhig ay ku leeyihiin gobolka Lamu ee Kenya ay beegsatay Al-Shabaab.

Wax Faahfaahin badan ah kama aysan bixin AFRICOM qasaaraha khasaaraha guud ee ka dhashay weerarka oo qaraxyo ku bilowday, inkasta oo la sheegay inuu jiro qalab la gubay.

Wargeyska Daily Nation ayaa booliska kasoo xigatay in “In shan qof oo weerarka looga shakisanyahay la xiray.” Warbixinta boliiska ayaa lagu sheegay in saddex diyaarad oo nooca dagaalka ah lagu burburiyey. Weerarkan oo aroornimadii saaka lagu qaaday saldhiga.

Al-Shabaab ayaa u muuqata in ay kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha dalka Kenya, dhawaan ayeyna aheyd markii ay weerar ku qaadeen bas rakaab oo u socday gobolka Lamu.

Muhiimad nuucee ayuu leeyahay Saldhigga la weeraray?

Ciidamada Cirka Mareykanka ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegeen in ciidamadooda ay sanadkii 2017 bilaabeen hawlgal ay kula dagaalamayaan argagixisada,  sida lagu sheegay qoraalka, sidoo kalana ay dowladda Kenya ka caawiyeen sidii loo sugi lahaa amniga xuduudaha.

Sida la ogyahay, isbuucii ugu dambeeyay bisha August sanadkii dhamaaday, ayuu saldhigga noqday mid rasmi ah kadib markii Calanka Mareykanka uu kasoo muuqday, waxaa sidoo kale isbadalay qorshahii ciidamada Cirka ee ahaa mid ku dhisan xeelad, waxeyna u rogeen mid joogto ah.

Wixii markaas ka dambeeyay Mareykanka waxey xaqiiqsadeen in Saldhigga uu yahay mid iyaga hoos yimaado. Col. Cody Smith oo ah taliyaha ciidamada guutada 475-aad ee cirka ayaa bilahii ugu dambeeyay 2019 ka dhawaajiyay in saldhigga SAMBA uu noqday mid ay ka fulinayaan hawlgalo joogto ah maadaama calankooda laga taagay.

Saldhiggan ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha laga qorsheeyo weerarada Al-Shabaab lagula beegsado gudaha Soomaaliya, sida ay Al-Shabaab sheegtay.

“Ciidamo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Al-Shabaab ayaa saaka oo Axad ah aroortii weeraray saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee loo yaqaano Camp Simba. Saldhigan ayaa hooy u ah boqolaal kamid ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya, waana mid ka mid ah saldhigyada laga soo qaado duullaanada Mareykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Al-Shabaab.

Saraakiisha Miltariga Kenya ayaa qoraal rasmi ah oo kasoo baxay ku sheegay iney afar ka mid ah xoogagga Al-Shabaab ku dileen weerarkii saakay ka dhacay Lamu, sidoo kalana Saldhigga Manda waa mid ay ciidamada labada dowladood aad u sugaan maadaama uu ku yaallo xeebta Gobolka Lamu.

Waxaa la is weydiinayaa sida ay Shabakadda xiriirka la leh ururka Al-Qaacida ay weerar nuucaas ah uga geysteen saldhig ay laba dowladood amaankiisa aad u sugaan, kuna yaalla meel istaraatiiji ah.

Weerarkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli ciidamada Mareykanka ay weerar lama filaan ah ku dileen taliye sare oo ka tirsan Miltariga wadanka Iran kaas oo ku sugnaa Ciraaq, waxeyna aheyd xilli ay aad u feejignaayeen ciidamada Mareykanka meel walba oo ku sugan yahiin.

About Author