Magaceeda waa Mooto Bajaaj hase yeeshee dadka qaarkiis waxay ugu yeeraan Tug-Tugleey, Luuq walba waa ku arkaysaa, Saacad kasta orod ayay ku jirtaa,, is-goys walba marka aad tagto waxaa ishaada buuxinayo Mooto sii ordaysa & mid soo ordaysa!
Faa’iido iyo qasaaro ayaa lagu qabaa, Miskiin u kaalmeys inay tahay ayaa lagu sheegaa laakiin qasaaraheeda ayaa badan, shillalka ugu xun ee magaalada ka dhaca qeyb ayay ka tahay.
Abaarihii Sagaalkii Subaxnimo ayaa ka qabsadey bartamaha magaalada, gorgotan kadib waxaa ku heshiinay inuu i geeyo halkii aan doonayay, Cabaar markii aan saarnaa ayaa waxaa ku baraarugay Mootadii oo wadada igala baxday!
Ar Jooji …. Ar Jooji ayaa ka badin waayay, intaan khaylinaayay waxay nala hoos gali tagtay Baabuur weyn oo Dekedda ka yimid, anigoo is leh, ma ka boodaa ayaa nasiib wanaag markii dambe waxaa Alle inoo fududeeyay inaan khatartii ka baxno!
Aniga oo la yaaban sida ay wax u dhaceen ayaa Mootaalihii waxaan Weydiiyay War ninyahoow maxaa khatarta inoo galisay? Si fudud ayuu igu yiri “ War Duqiyoow ma arag miyaa Minishiibiyada Baas ee wadada taagneyd, Shaydaamankaas ayaan u goynayay”
“Caano hela ma arintaas oo kaliya ayaa nafsadeena halista u galisay” Ayaa mar kale su’aalay, inta uu qoslay ayuu iigu jawaabay “Anigu intaan Minishiibiyo iyo Taraafiko u Goyn karo waa u goynayaa”
Sheeko Markii ay halkaas mareyso waxaa yaqiinsadey inaan saaran ahay Mootaale aan naxeyn oo #Karfantiisa ay Madaxa ugu duuban tahay, aniga oo aan gaarin halkii aan u socday ayaa lacagtiisii u tuuray, waxaana go”aansadey inaan ka haro!
Saacad yo bar kadib ayaa isla Bajaaj kale ka soo qabsadey goobtii aan u muraaday, haatan si bad qab ah ayaan u imid Xaafaddaydii balse waxaa maankayga ka guuxayo xaaladdii saakay i qabsatay!!!
WD:C/Laahi Shiiqaaalow