Muqdisho:-Amiirka Dowladda Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa booqaneya dalka Iran maanta oo Axad ah sida laga soo xigtey saraakiisha Iran .
Amiirka ayaa markii uu soo gaadho Iran wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi Iran, ee uu ugu horeeyo madaxweyaha dalkaasi Iran Xasan Ruuxaani .
Safarkan Amiirka oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa waxaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay ku kulmaan madaxda dalka Iran ee gudaha dalkaasi.
Mohammed bin Abdulrahman Al Thani oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Qadar, ayaa waxa uu tagay magaalada Tehraan ee caasimada dalka Iran, saddex maalin uun ka dib dilkii Qaasim Al-Suleymaani.