Saldhigyo Millateri, Dekado Waaweyn, Waddooyin Tareen iyo Booqasho aan dhammaad lahayn, waxaas oo dhan waxa ay kajiraan halkan Jabuuti, waa dowlad yar oo kutaal geeska Afrika kana mid ah Jaamacadda Carabta, waxa ay noqotay muddo tobanaan sano ah goob u furan saldhigyada Millateriga dhowr kamid ah awoodaha caalamiga ah, waxa deggan ciiddeeda tiro kamid ah Saldhigyada Millateriga Shisheeyaha taas oo kadhigtay in ay qaadato naaneysta ama magaca Saldhigga ciidamada adduunka, hayeeshee su’aashu waxa ay tahay maxay Jubuutiu noqotay Saldhigga Awoodaha adduunka?
Dowladdan yari waxa ay leedahay Muhiimad weyn oo dhinaca qaabdhismeedka Istiraatiijiyadda ah (Geo-strategy) taas oo ay ku hardamayaan awoodaha waaweyn ee caalamku muddo Qarniyaal ah, waxaa qabsaday Faransiiska, Talyaaniga ayaa iskudeyey in uu gacanta ku dhigo, sidaas oo kalana Ingiriirka ayaa holliyey in uu qayb u helo Jabuuti, meesha ay kutaal waa meel aad u fiican, maaddama ay kullaaleyso biyo-mareenka Baabumandab oo cidda haysataa ay leedahay go’aanka gelitaanka Suez Canal oo ah marinka 4aad ee badda ee ugu muhiimsan Caalamka.
Maalin walba waxaa mara ku aadka xeebaheeda 20% ganacsiga caalamka,
Jabuuti sidoo kale waxa ay ku taal meel u dhow deegaanada ugu badan ee hardanka bariga dhexe ka socdo sidaas awgeed waxa ay noqotay Saldhig caalami ah si loola dagaalo burcadbadeedda Soomaaliya!
Sanadkii 2012 Mareykanka ayaa hawada geliyey 16 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn oo kasoo kacaya Jabuuti, Shiinaha oo asal ahaanba si xoog leh ugalay meelaha muhiimka ah ee waddanka ayaa Jabuuti u doortay in ay noqoto xarunta saldhiggii ciidan ee ugu horreeyey ee Shiinuhu ku yeesho meel kabaxsan waddankiisa, sidaas oo kalana Jabuuti waxa ay muhiimad kale u leedahay Mustaqbalka jidka Silk road oo ah jid cusub oo isku xiraya Shiinaha iyo adduunka intiisa kale kaas oo ay Jabuuti kadhigan tahay goob ah oo jidkaasi u maraya Bariga Afrika taas oo ah sababta ku qaadday Jabuuti in ay yagleesho wax aan kayarayn 8 dekadood oo kudhexyaal waddanka yar iyo dhismaha Waddo tareen oo Jabuuti ku xiraya caasimadda Itoobiya ee Adisababa.
Saldhigga Mareykanka ee Lemmonier-Jabuuti
Dhinaca Afrika madaxbannaanidii deriskeeda oo ah Erateria waxa ay kadhignayd dhibaato cusub oo qabsatay Itoobiya maaddaama madaxbannaanida Ereteria ay Itoobiya ku weysay meel u furan badda ama marin-badeed ayna kadhigat Itoobiya waddan aan xeeb lahayn (Locked land) taasina waxa ay ku qasabtay Itoobiya in ay ku tiirsanaato Dekedda Jabuuti ilaa heer aad u weyn.
Jabuuti waa dowlad xasiloon qayb ahaan marka lagarab dhigo bedka ay kufadhiso iyo hareeraheeda waxa kadhacaya, maamulkeeduna waxa uu maalgashaday in uu iibiyo xasiloonidaas iyada oo Shiinuhu ka bixiyo Kiro sanadle ah Saldhiggiisa Millateriga, taas oo lagu qiyaasay 100 Milyan oo Yuro iyo qiyaastii 70 Milyan oo katimaadda Mareykanka, dhammaan waa hati aad u ballaaran oo xoojineysa dhaqaalaha waddankaan yar, Shiinuhu waxa uu 2017 saldhiggiisii ugu horreeyey ee uu dibadda kuyeeshay kasameystay Jabuuti
Shiinuhu waxa uu u arkaa dalka Jabuuti in uu yahay meel laga maamuli karo dalalka geeska Afrika (Remote country at the Horn of Africa) uuna muhiim u yahay hal-abuurka Shiinuhu uu Balaayin Dollar uga sameynayo Afrika iyo Jidka Silk road oo ah jid isku xiraya bariga iyo Koofurbari Asia kaddibna labadooba ku xiraya Koofurta Asia kuna sii xiraya Persia (Iiraan) una sii gudbaya gacanka Carabta isaga oo halkaas kasii aadaya Bariga Afrika iyo Koofurta Yurub, Jidka Silk road waxa uu kasoo billaabmayaa gobolka Han dynasty ee Shiinaha.
Dalalka Faransiiska, Mareykanka, Shiinaha, Jabban iyo Midowga Yurub ayaa hadda ku leh Jabuuti saldhigyo ciidan oo waaweyn.
Hayeeshee marka xaalka gudaha waddanka la eego waxa uu ku kooban yahay Masawirka qofkaan, Waa Ismaaciil Cumar Geelle madaxweynaha haya talada waddanka muddo 20 sano ah.
5 meelood meel tirada guud ee dadku waxa ay ku nooshahay meel ka hooseysa xariiqa saboolka, 40% waa baagamuudo ama shaqo la’aan!
Haddaba muxuu Mustaqbalku u sidaa Jabuuti