Maamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa war ka soo saaray dabkii xalay saqdii dhexe ka kacay Xarunta Bangiga ee ku taalla Degmada X/Weyne ee Gobolka Banaadir.
Qoraal ka soo baxay maamulka Bangiga Dhexe ayaa waxaa lagu sheegay in dabka markii hore uu ka bilowday qol kamid ah xafiisyada dambe ee Bangiga Dhexe, isla markaana uu dabkaas uu ka dhashay koronto, hayeeshee markii dambe la demiyay.
Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay mamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.