Afar qof oo looga shakisan yahay inay qabaan caabuqa Corona ee ka dilaacay Shiinaha ayaa lagu arkay dalka Itoobiya, sida uu kusoo warramaya weriyaha BBC-da ee Addis Ababa,iyadoo Afarta qof ayaa lagu karantiilay gudaha magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.
Wasiirka caafimaadka ee dalka Itoobiya, Dr Lia Tadesse iyo saraakiisha kaleba waxay sheegeen in afarta qof ee looga shakisan yahay in qabaan caabuqa ay u dhasheen Itoobiya.
Tan iyo Arbacadii, dhammaan dadka rakaabka ah ee kasoo safray Shiinaha ee soo gaaray Itoobiya, waxaa lagu baarayay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bole.
Saddex kamid ah dadka looga shakiyay cudurka waxay yihiin ardey wax ka baraneysay jamaacadaha ku yaal magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha halkaas oo ah goobta ugu darran ee uu caabuqan saameeyay.
Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in dadkan dhiigooda loo diri doono Koonfur Afrika si baaritaanno loogu soo sameeyo.