Kumannaan qof oo baroor-diiq samaynaya ayaa maanta isugu soo baxay waddooyiina magaalada Ahvaz si ay halkaasi ugu qaabilaan maydka Qasem Soleimani,oo ahaa Janraal ay Mareykanka ku dileen duqeyn magaalada Baqdaad.
Dadka baroo-diiqa sameynayay ayaa xabad gacmaha ku garaaacayay, iyaga oo ku luuqeynayay “Mareykanku ha dhinto”.
Wakaalada wararka ee Iiraan ee loo soo gaabiyo Irib ayaa daabacday sawiro naxashka Soleimani oo lagu duubay calanka Iiraan.
Caasimadda Tehran, xildhibaanada baarlamaanka Iiraan ayaa ku luuqaynayay “Mareykanku ha dhinto”.
Soleimani ayaa ahaa sargaalka Iiraan u qaabilsan bariga dhexe islamarkana waxaa la rumaysan yahay in uu ahaa ninka labaad ee ugu awoodda badan Iiraan.
Dilkiisa ayaa waxaa uu sare u sii qaaday xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Mareykanka.
Hogaamiyaha Ruuxiga ee Iiraan, Ayatollah Khamenei, ayaa ka digay “Aargoos adag “.
Madaxwayne Trump, ayaa bixiyay amarka weerarka lagu dilay Soleimani.
- Waa kuma Qaasim Suleymaani, Jeneraalka laf-dhabarka u ahaa Iran ee Mareykanka uu dilay?
- Maxaa ka dhalan karo dilka Suleymaani, maxaase hadda loo dilay?
- Dad ku luuqaynaya “Mareykanku ha dhinto” oo isugu soo baxay waddooyiinka Baqdaad
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Iiraan ugu hanjabay in Mareykanku uu qaadi doono weeraro lagu bartilmaameedsanayo 52 goobood oo muhiim u ah Iiraan weliba “si dhakhsiya oo adag”.
Hadalka Trump ayaa daba-socda dilkii uu Mareykanka u gaystay Janaraal Qaasim Sulaymaani iyadoona Iiraan ay wacad ku martay inay ninkaasi u aargudi doonto.
Mr Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay farriin uu ku sheegayo in Iiraan ay si adag u hadlayso oo ay bartilmaameedsan doonto goobo gaar oo muhiim u ah Mareykanka.
Dhanka kale dhowr qarax ayaa gilgilay agagaarka magaalada Baqdaad saacado uun ka dib baroor-diiqii magaalada Baghdad loogu sameynayo janaraalkii milatariga Iiraan Qaasim Suleeymaani iyo taliyihii maleeshiyaadka Ciraaq Abu Mahdi al Muhandis, kuwaasi oo khamiistii lagu dilay weerar uu Mareykanku fuliyay.
Qaraxayada ayaa waxaa lala beegsaday Aagga Cagaaran ee u dhow safaaradda Mareykanka iyo garoonka diyaaradaha ee Balad oo ay ku yaalaan guryaha xoogagga Mareykanka, waxayna ilo wareedyo laga helayo ciidamada ammaanka Ciraaq sheegayaan ineysan jirin cid ay waxyeello ka soo gaartay.
Hogaamiyeyaasha Iran ayaa wacad ku maray iney aargoosi u sameyn doonaan dilkii Janaraal Qaasim Suleymaani oo uu Mareykanka u aqoonsanaa argagixiso.
Ma jirto ilaa haatan cid shegatay iney ka dambeysay weeraradaasi balse xoogagga taabacsan Iran ayaa lagu eedeeynayay iney ka dambeyeen weeraradii dhowaan ka dhacay Ciraaq oo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim u ah Mareykanka.
Xigasho:BBCSomali