
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ka socda qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Guddiga Doorashada ugu dhawaaqayaan 69-ka Xildhibaan ee ka harsan Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.
Mas’uuliyiin ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in Guddiga Doorashada la filayo in maalmaha soo socda ay ku dhawaaqan Liiska 69-ka Xildhibaan ee harsan oo lagu daray 20-ka Xildhibaan ee lasiiyay Ahlusunna Waljameeca oo Guddiga horey u aqbaleen.
Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa marka lagu dhawaaqo waxaa ay yeelan doonaan kulan, iyagoona intaas kadib guda-geli doona Arrimaha Doorashada Galmudug sida Guddoonka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo maalmihii lasoo dhaafay halkaas ka waday kulamo kala duwan oo lagu xalinayo cabashooyinka ka jira dhisamaha Galmudug.
Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Cidanka dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoona halkaas ay kusii qul-qulayan Musharaxiin badan.