Post View....

Al-Shabaab oo weerrartay saldhig milateri oo ay wadaagaan Kenya iyo Mareykanka.

0
88

Dagaalyahannada ururka Al-Shabaab ayaa weerrar ku ekeeyay saldhig ay leeyihiin ciidammada badda oo ku yaal deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, kaas oo ay wada deggan yihiin ciidammada Mareykanka iyo Kenya.

Weerrarka lagu qaaday saldhigga Simba ee degmada Manda Bay ayaa wuxuu dhacay waxyar un ka hor inta uusan waaga baryin.

Sarkaal ka tirsan dowladda deegaankaas oo lagu magacaabo Irungu Macharia, ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay weli ku jiraan howlgalka hasayeeshee waxa uu diiday inuu xaqiijiyo inay jirto cid weerrarkaas ku waxyeelowday.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen qarax kaddibna ay xigtay rasaas goobta ka dhacaysa.

Bar internet-ka ah oo lala xiriiriyay ururka Al-Shabaab ayaa waxay sheegtay in qeybta isqarxinta ee ururkaasi ay khasaare culus gaarsiiyeen saldhiggaasi oo qeyba ka mid ah ay qabsadeen, waa sida ay bartaasi warka u dhigtayee.

About Author