Kadib Cabasho dhowr ah oo ka timid Mas’uulkani waxaa laga yaabaa in madaxweyne Farmaajo uu isbadel ku sameeyo Jagada uu hayo.
Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed General Mahad C/raxmaan Aadan ayaa macquul ay tahay in xilka laga qaado kadib markii uu kasoo bixi waayey Shaqadii loo igmaday.
Dhowr mar ayaa waxaa kasoo baxay Hadalo Sumcad dil ku ah Qaranka sida la sheegay inkastoo si khaldan uu sheegay in loo fasirtay Hadalkiisa.
Taliyaha Asluubta ayaa ku guuldareystay tan iyo Howshaan intii loo magacaabay baa la yiri oo lagu badelay General Bashiir Goobe,Dhacadadii ugu dambeysayna waa midii Bishii Hore Maxaabiis Shabaab ah ay Xabsiga dhexe ka baxsadeen.
Kiiskii taliyaha Xabsiga Dhexe uu xilka ku waayey iyo isla xisaabtan dhab ah uusan ku sameyn General Mahad C/raxmaan ayaa qeyb ka ah waxyaabaha loo cuskanayo Xilka xayuubista lala rabo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka fekiraya shakhsiga la geyn lahaa Taliyaha Asluubta iyadoo aan si cad loo ogeyn wakhtiga la qorsheeyey in isbadel lagu sameeyo Taliska Asluubta.
Door weyn ayey Dawladnimada uga jiraan ciidamada Asluubta kuwaas oo dhaqan celin ku sameeya dadka Maxaabiista ah.