Kadib Saacado ka hor markii uu Xilka qaadis sameeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf waxaa lasoo sheegayaa in dad badan ay bilaabeen hadal heyn ku saabsan Awooda Duqa Xilka laga qaaday.
Diidmada Qayaxan Ee Xersi Yuusuf Barre sameeyey ayaa soo banaanbixisey Awood uu ku tashanayo oo dhanka Dawlada Dhexe Ah.
Dhawaan waxay kulmeen Xersi Barre Murashax Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) taas oo shaki laga muujiyey kulankooda iyo wixii ay isku afgarteen.
Ballan qaadka uu heysto Xersi ayaa ah hadii Qoor qoor kusoo baxo Xilka uu raadinayo isagana uu Xilka Duqa Gaalkacyo sii joogi doono.
Balse Axmed Ducaale Xaaf oo ka war helay Arimahaasi ayaa xilka ka qaaday Xubnihii Golaha Deegaanka Gaalkacyo oo Duqii Magaalada ku jiro balse uu diiday Xersi Barre inuu Xilka wareejiyo.
Wuxuu Ku Eedeeyey Duqa Xilka laga qaaday in Xaaf uu doonayo inuu iska hor keeno Bulshada Gaalkacyo deggan islamarkaana uusan cidna Xil ka qaadi karin una magacaabi karin Sharci ahaan.