Jahwareer xoogan ka dib waxay faah faahin ka soo baxaysaa qaraxyadii xooganaa, ee aroornimadii hore ee saaka ruxay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Tiro jug ah oo is xig xigtay ayaa 5-tii subaxnimo ee saaka laga maqlay Magaalada Muqdisho, iyadoo aanu dadku kala garan inay qaraxyo yihiin iyo inay ahaayeen hoobiye-yaal la soo tuuray.
Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxyadan laga helaayana waxay sheegayan inay ahaayeen kuwo lala bartilmaameedsaday kaamirooyinka wax duuba, ee ay hay’adaha ammaanku ku xireen Wadada Maka Al Mukarama.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in qaraxyada lagu burburiyay qaar ka mid ah baalooyinka ay ku xiran yihiin kaamirooyinka CCTV-ga loo yaqaano, ee xaaladaha amniga lagula socdo.
Goobjooge-yaal ayaa sheegay in qaraxyada qaarkood lala eegtay tiro kaamirooyin ah oo baalahoodu ku kala yaalo Isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha. Qarax kale ayaana la soo wariyay in lagu burburiyay baalaha ku yaala Isgoyska Hawlwadaag ee kaamiradan ay ku xirneyd.
Illaa iyo hadda lama soo sheegin cid wax ku noqotay qaraxyadan lagu burburiyay dhawr baalo, oo kol sii horeysay lagu xiray kaamirooyinka CCTV-ga. Qaraxyada ayaana ahaa kuwo ay ilbiriqsiyo uun u dhaxeeyeen.
Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa qaybteeda hurdada kaga soo baraarugtay jugtii xooganeyd ee qaraxyadan, waxayna dadka baahi badan u qabeen, inay wax ka ogaadaan waxa ay yihiin qaraxyadaasi.
Waxaad arki kartay in dadku uu aad teleefanada ugu wada xiriiraayay, si uu u helo macluumaadka saxda ah, ee ku aadan waxa sababay sawaxankii dhegahooda ka dhex ciyay.
Saraakiisha laamaha amniga ayaan weli wax war ah ka soo saarin qaraxyadaasi, xilliga oo goor hore uun ah, mana cadda cidda ka masuulka ah burburinta lagu bilaabay qalabka wax duuba, ee billo ka hor laga hirgeliyay hareeraha wadadaan, oo muhiim u ah isu socodka Caasimadda Muqdisho.
Waa weerarkii ugu horeeyay oo ceynkiisa ah, lagu-lana beegsado kaamirooyinka lagula socdo dhaqdhaqaaqa amni ee wadadaasi.
Tani ayaa imaanaysa, iyadoo Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ay xalay sheegtay in la qabtay shabakad qaraxyada u qaabilsan Ururka Al Shabaab.