Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug,hayeeshee shalay Xubno Xildhibaano ay soo xusheen Ahlusunna u doorteen Madaxweyne ayaa ka hadlay howlaha doorashooyinka Galmudug ee ka socda Dhuusamareeb iyo khilaafka hareeyey doorashada.
Waxaa uu sheegay Sheekh Shaakir in hoggaanka Ahlusunna ay raadinayaan midnimada Galmudug,isla markaana ay dhiseen Galmudug dhameystiran loona baahan yahay inay dowladda taageerto.
Isaga oo la hadlayay Voa-da ayuu sheegay in dowladda ay ku fashilantay dhismaha Galmudug loo dhan yahay,hayeeshee ay iyagu kasoo hormareen,waxaana uu sheegay hadii ay arkaan Maamul mideysan oo loo dhan yahay ay taageeri doonaan.
Waxaa wax laga weeydiiyey howlaha doorasho ee dowladda ka wado Dhuusamareeb,waxaana uu sheeegay in dowladda ay ka rajeynayaan inay u tanaasusho Shacabka Galmudug,isla markaana ay Maamulka ay dhiseen ay taageeri doonto.