Tan iyo markii ay Saacado ka hor Dawlada Soomaaliya ku dhawaaqday inuu baxsaday Wasiirkii Amniga Jubbaland waxaa soo baxaya baqdin ah in la dilay Wasiirka oo la qarinayo.
Jubbaland ayaa waxay saacado ka hor ka digtay in wixii dhib ku dhaca Wasiirka oo markii hore la afduubtay ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto Dawlada Soomaaliya.
War kasoo baxay Jubbaland ayaa Beesha Caalamka loo diray Warqad ah inay ka war hayaan dhacadadaan soo korortay ee la leeyahay in wasiirka uu baxsaday.
Hadaba qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan Kismaayo ayaa si dareen leh kaga fal celiyey Warkii Taliye Kuxigeenka Booliska Soomaaliya ku sheegtay in wasiirka uu baxsaday.
Waxay Reer Kismaayo qaarkood dalbadeen in la keeno raq iyo Ruux Wasiir Janan oo markii hore gacanta Dawlada ku jiray.