Waxaa iska soo daba dhacaya wararka la xariira howlgal ciidamada Mareykanka ku dileen Taliyaha ciidamada Dowladda Iiraan Jan. Qaasim Suleymani iyo kolonyo la socotay oo ay ka mid ahaayeen taliyeyaal ciidan iyo madax sare oo ka tirsan ciidamo ay taageeto Iiraan kuna sugan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Jan. Qaasim Suleymani oo jirkiisa laga helay gacan lagu aqoonsaday faraati uu caan ku ahaa halka intiisa badan xubnihii ku burbureen duqeynta dhinaca cirka ah ee lala eegtay, ayaa laga helay meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha magaalada Baqdaad ee wadanka Ciraaq ayaa maanta la filayaa in lagu aaso qabuuraha Shihadada ee dalka Iiraan sida ay sheegtay wakaaladda wararka IRNA.
Madaxweynaha dowladda Iiraan Xasan Rooxaani ayaa ku hanjabay inay Mareykanka ka aargoosan doonaan dilka Jan. Qaasim Suleymani, isagoona sheegay in dowladiisu u diyaar garowday sidii ay u qaadi lahayd tallaabooyin sida uu sheegay lagu difaacayo shacabka iyo saraakiisha dalkiisa.
Arrimaha lama filaanka ah ee ka dhashay weerarka ciidamada Mareykanka ku dileen Jan. Suleymani waxaa ka mid ah inuu gilgilay dalalka ugu waaweyn caalamka, kaddib markii Wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Ingiriiska muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalka Ciraaq, iyadoona ku wargelisay muwaadiniinteeda ku sugan gudaha dalka Ciraaq inay si degdeg ah uga baxaan.
Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Australia ayaa isna ka dalbaday muwaadiniinta dalkiisa inaysan tegin dalalka Ciraaq iyo Iiraan, iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka safaaradda dalkaasi uu ku leeyahay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.
Isbaheysiga gaashaan buurta NATO afhayeen u hadlay ayaa ku dhawaaqay inay joojinayaan tababarada ciidamada Ciraaq, isagoona sheegay inay sii wadayaan howlaha kale ee dalkaasi ka wadaan ciidamadooda ku sugan wadankaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya dalka Ciraaq ayaa sheegaya in ciidamo fara badan la geeyay safaaradaha dalalka reer galbeedka ay ku leeyihiin magaalada Baqdaad, iyadoo dowladda Ciraaq ee aan cagaha badan ku taagneyn soo food saartay xaaladdii ugu weyneyd, bacdamaa gudaha dalkeeda ay ka dhaceen weerarada Dowladaha Mareykanka iyo Iiraan oo labadoodaba ay la leedahay gacan saar aad u weyn.
Kumanaan ruux oo ka tirsan dadweynaha dalka Iiraan ayaa sameynaya dibadbaxyo xoogan tan iyo markii la dilay Jan. Qaasim Suleymani, iyadoo laga cabsi qabo in dadweyne careysan ay buux dhaafiyaan goobta lagu aasayo Janaraalka ee qabuuraha Shuhadada oo ku taala magaalada Tehran ee caasimada Iiraan.
Dhinaca kale Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Ruushka iyo Turkiga oo xulafo la ah dowladda Iiraan ayaa ka wadahadlay xiisada ka soo cusboonaatay bariga dhexe, waxaana bilowday dadaallo lagu qaboojinayo dagaal ka dhaca wadamada gobolka oo dhex mara dowladaha Mareykanka iyo Iiraan, kaasi oo khubarada dhinaca amniga sheegayaan inuu saameyn ku yeelanayo dalalka gacanka Carbeed iyo dowladaha ay isku xulafada yihiin.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isagoo ku sugan magaalada Clifornia waxa uu sheegay in Jan. Suleymani uu qorsheynayay weerarrada dadka Mareykanka iyo xarumahooda ku yaala dalalka gacanka, wuxuuna hoosta ka xariiqay inaysan iyagu dooneynin in madaxda Iiraan ay xukunka ka qaadaan.
Trump ayaa sheegay in dowladdiisu ka hortagtay khatarta dowladda Iiraan ka waddo dalalka Carabta, isla markaana waxa uu sheegay in Mareykanku had iyo goor taageerayo shacabka Iiraan oo uu sheegay in muddo aad u dheer lagu hayay dhibaatooyin kala duwan.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres ayaa ugu baaqay madaxda caalamka inay dejiyaan xaaladda, isagoona sheegay in caalamku aanu xilligaan xamili karin dagaal dhex mara dowladaha waaweyn.
XIGASHO: Wakaaladaha Wararka