Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar madaafiic loo adeegsaday oo saaka aroortii hore lagu qaaday Saldhig Ciidamada Jabuuti oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Qaar kamid ah Shacabka ku nool degmadaas ayaa waxaa ay sheegeen in madaafiicdaas ay maqleen xilligii lagu jirey Salaada Subax,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Jabuuti ay dhankooda madaafiic ugu jawaabeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerarka madaaficida ah kusoo qaadey.
Ciidamada Jabuuti oo ay wehlinayaan Ciidamo ka tirsan Hir-Shabeelle ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaaan duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan,walow aan weli la sheegin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalkaas.
Inta badan deegaano iyo degmooyina ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa mararka qaar ay ku dagaalama Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMSIOm oo dhinac ah iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.