Post View....

Xulka South Africa oo guul daro biday Xulka Masar iyo Maxamed Saalax Qalbi jab uu kala kulmay.

0
135

Marti galiyaasha koobka qaramada Afrika ee Masar ayaa waji gabax iyo guuldaro qalbi jab ah kala kulmay xulka qaranka South Africa. Mohamed Salah iyo xulkiisa Masar ayaa awoodi kari waayay in ay soo dhaafaan wareega 16ka xul ee AFCON 2019.

Xulka qaranka South Africa oo aan heerkii groupyada si fiican isku soo muujin ayaa Masar ku garaacay 1-0 waxayna noqdeen xulkii afraad ee u soo baxay siddeed dhamaadka koobka qaramada Afrika.

Inkasta oo xulka qaranka Masar uu fursado fiican abuuray isla markaana ay heleen fursado ay xataa ciyaarta ugu guulaysan kareen, haddana gool uu Thembinkosi Lorch dhaliyay daqiiqadii 85 aad ee dhamaadkii ciyaarta ayay malaayiinta shacabka Masar ugu qalbi jabeen.

Xulka Southa Afrika ayaa ku biiray saddexdii xul ee hore ugu soo baxay siddeed dhamaadka koobka qaramada Afrika ee kala ahaa Senegal, Benin iyo Nigeria.

Waxaa wareega 16ka xul lagu reebay saddex xul oo loo saadaalinayay in ay koobkan ku guulaysan karaan kuwaas oo kala ahaa Masar, Cameroon oo koobkan difaacanaysay iyo waliba xulka Morocco oo isna waji gabax la kulmay.

Marka laga reebo xulka Nigeria saddexda xul ee hadda siddeed dhamaadka u soo baxay ayaan markii hore la filayn in ay heerkan soo gaadhayaan.

Mohamed Salah ayaan awoodin in uu gool dhalintiisii koobka qaramada Afrika sii wato halka laba fursadood oo uu goolal ku dhalin karayay Trézéguet oo uu Mohamed Salah ka helay ay qasaare ku dhamaadeen.

Si kastaba ha ahaatee, xamaasadii iyo diyaar garowgii marti galiyaasha koobka qaramada Afrika ee Masar ayaa waji gabax iyo qaabka ugu xun ku soo dhamaaday iyada oo South Africa ay guusha heleen waqtiga dhimashada ee dhamaadka ciyaarta.

Afarta Xul Ee Ilaa hadda U Soo Baxay Siddeed Dhamaadka AFCON 2019

1-Senegal

2-Benin

3-Nigeria

4-South Africa

About Author