Post View....

Xaflad la isku dhafay ciidanka DF iyo Ahlu sunna oo lagu qabtay Dhuusamareeb

0
126

Xerada ciidanka 21aad ee magaalada Dhuusamareeb waxaan galabta lagu qabtay xaflad la isku dhafay ciidanka milatariga Federaalka iyo ciidankii hore ee Ahlu sunnah qeybtii milatariga oo ay dhawaan dowladu la wareegtay, iyada oo loo sameeyay hal talis iyo hal hoggaan.

Raisalwasaaraha oo goobta ka hadlay waxa uu sheegay in laga billaabo galabta ay ka amar qaadanayaan taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Mudane Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana goobta looga dhawaaqay in General Mascuud Maxamed Warsame uu noqonayo taliyaha guutada 15aad ee qeybta 21aad iyada oo lagu soo xulay karti iyo hufnaan.

16kii bishaan ayay aheyd markii la iskugu dhafay lana qarameeyay ciidanka nabad Sugidda iyo Booliska kuwaas oo iyaga oo ciidan dowladeed ah ka howl gala Caasimada Galmudug.

About Author