Post View....

Wasiir Oomaar Oo Shaaciyay Sababta Uu Uga Baaqday Safarkii Magaalada Kismaayo

0
119

Sababta uu Wasiir Oomaar ugu baaqay Safarkii uu ku tegi lahaa Kismaayo ayuu sheegay inay tahay si uu uga fogaado inuu iska hor imaad dhaco,isla markaana sheegay in uusan jirin qof isku inuu qaado.

“Safarkii aan kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska horimaad u dhaco. Qof isku dayay inuu isoo qaado ma jiro. In kastoo aan xaq u leeyahay in la i ilaasho haddana kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin (ilaah ka sokow)”ayuu yiri Wasiir Oomar.

“Hooyadii canuggeda lala qabsaday ee la yiri aan idiin kala goyno waxey tiri ha loo daayo tii aanan dhalin iyadoo ka baqaysa in canugeeda la kala gooyo. Taas un baan isku mid nahay ee awood aan Jubbaland ku imaado ma weyn. Waan aqaan masuuliyadda i saaran”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa lagu waday inuu Magaalada Kismaayo uu gaaro Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar,isagoo ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Jubaland,hayeeshee arrintaas weli ma uusan ku dhawaaqin.

About Author