Post View....

Warar dheeraad ah oo ku aadan Muwaadin Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay Koonfur Afrika.

0
109

Wararka naga oo gaaraya Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada dalkaas kunool.

Koox Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Muwaadinka u geystay dilkan,isla markaana waxaa uu ka dhacay deegaanka Naas ee Gobolka Mpumalanga ee ka tirsan Koonfur Afrika.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Xuseen Cali Saqiir,kaasi oo Muddo 8 Bil ah joogay oo kaliya dalkaas,waxaana uu ahaa ganacsade.

Sidoo kale Qof kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed oo ku sugan Koonfur Afrikan ayaa sheegay in marxuumka marka hore lagu weeraray Goob ganacsi uu ku lahaa deegaanka Naas ee Gobolka Mpumalanga,isla markaana waxaa halkaas ka baxsatay kooxihii ka dambeeyay falka.

Inta badan Dalka Koonfur Afrika ayaa wax ka dhaca dilal kala duwan oo loo geysto Ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaas ku leh ganacsiga kala duwan,mana jirto cid ka hadasha dilalka sida Arxan darrada ah ee loo geysanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

About Author