Post View....

Waqooyiga Kuurya Oo Mar Kale Tijaabisay Gantaalo Cusub

0
114

illiteriga dalkaasi waxay Aroornimadii hore ee saakayto oo Arbaco ah tijaabiyeen 2 Gantaal cusub ee nooca ridada gaaban, waana tijaabadii 2-aad ee ay sameeyaan wax ka yar hal isbuuc.

Gantaalladda ay saakayto tijaabiyeen ayaa la sheegay inuu gaari karo masaafo dhan 250 KM, waxayna ku dhaceen Badda Bariga ee loo yaqaano Badda Japan.

Saraakiisha Milliteriga ee dalka kale ee Koonfurta Kuurya ayaa sheegay inay Labada Gantaal u muuqdeen kuwo ka duwan noocyadii Gantaalladda ee ay Milliteriga Waqooyiga Kuurya tijaabiyeen Khamiistii la soo dhaafay.

Ra’isul-wasaaraha Japan, Shinzo Abe waxa uu tilmaamay inaysan Gantaaladaasi wax khatar ah ku ahayn Ammaanka dalkiisa, balse, Wasiirkiisa Difaaca ayaa sheegay in Gantaal kasta oo ay Waqooyiga Kuurya tijaabiyaan uu xadgudub ku yahay Go’aanadii ka soo baxay QM.

Afhayeenka Milliteriga Maraykanka ku sugan dalka Koonfurta Kuurya, Kolonel Lii Peters waxa uu isagana sheegay inay ka war hayaan Tijaabadda Gantaallada Waqooyiga Kuurya, isla markaana ay si dhow ula socon doonaan xaalladdaasi.

About Author