Post View....

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo safar degdeg ah ku tegay Jowhar

0
123

James Swan Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya  iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar halkaa oo ay xarun ku leeyihiin ciidamada AMISOM waxaana uu kula kulmay Madaxweynaha iyo xubno ka tirsan maamulka Hirshabelle.

James Swan iyo wafdigiisa ayaan gudaha u galin magaalada Jowhar waxayna xarunta AMISOM ee ku taal garoonka diyaaradaha kulamo kula leeyihiin madax ka tirsan Hirshabelle.

Booqashada James Swan ee Hirshabelle oo ah safarkiisa 3aad ee uu ku tago Dowlad Goboleedyada dalka ayaa ka duwan booqashooyinkii uu ku tegey maamulada kale oo uu booqday xarumaha maamuladaas.

About Author