Post View....

Wakiilada Beesha Caalamka oo la kulmay Guddiga Qaban-qaabada Dib u heshiisiinta Galmudug.

0
113

Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta guddoomiyay shir dhex maray guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo safiirrada beesha caalamka ee maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah dowlad gobaleedka Galmudug.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmdug, Prof. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in kulanlka looga hadlay hanaanka ay u socdaan qorshaha dib-u-heshiisiinta ay wadaan.

Wakiillada Qarmada Midoobay, midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya ee saldhiggoodu yahay Muqdisho oo ayaa guddiga ku bogaadiyay dadaalka ballaaran ee ay ugu jireen isu keenidda reer Galmudug si loogu diyaar garoobo dhismaha maamul Galmudug midaysan.

About Author