Post View....

Thabit ”Dareenkeygu ma cabirikaro sida uu yahay iyo sida aan uga baxay qaraxii Kismayo…”

0
111

Dareenkeygu ma cabirikaro sida uu yahay, qoraalna iskaba daa sida aan uga naxay qaraxii & weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaaladii nabadda iyo quruxda ee #Kismayo, #Jubbaland. Allaha u naxariisto intii ku dhimatay, dhawacana Allaha caafiyo. Maalin walba dad qiima leh ayaan weynaa‬!

Waxaan murugada la wadaagayaa tacsina u dirayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Dowlad Goboleedka Jubbaland, ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen intii lagu dilay qaraxii iyo weerarkii argagixiso ee ka dhacay Hotel Cascaseey #Kismayo.

Waxaan shacabka reer Kismayo gaar ahaan dhallinyarada ugu baaqayaa in ay u istaagaan gurmadka iyo caawinta dadka dhibta soo gaartay, sidookale Ganacsatada iyo Hormuudka reer Jubbaland waxaa saaran mas’uuliyad gaar ah oo ah fidinta gacan gurmad, iskaashi iyo in dhibta lala qaybsado bulshadeenna, maanta oo kale waxaa loogu baahi badan yahay dhiig deeqis, diyaarado gurmad degdeg ah fidiya iyo waliba garab istaag amniga iyo xasilloonida magaalada.

Kuwa argagixisada ah ee gumaadka ku haya dadkeena waxaa kaliya looga adkaan karaa marka la is wada kaashado, amnigana waxwalba laga hormariyo.

Sida ay argagixisada Alshabaab uga go’an tahay qorsheynta iyo gumaadka umaddeena waa in ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad- Goboleedyada uga go’naataa la dagaalanka argagixisada iyo sidoo kale kaabidda Dowlad Goboleedyada sida ay amniga xoogga u saari lahaayeen, ayna muhiim tahay in aan laga weecan muhiimadda dardargalinta amniga.

Inaa lilaahi wa’inaa ileyhi raajicuun.

About Author