Post View....

Taliyihii Ciidamada Booliska magaalada Gaalkacyo oo Geeriyooday.

0
109

CIsbitaal ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ku geeriyooday Taliyihii Saldhiga Booliska Gaalkacyo oo shalay ku dhaawacmay qarax loog xiray gaarigiisa.

Cawil Nuur Rooble oo ahaa Taliyihii Saldhiga Booliska Gaalkacyo ayaa u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxii shalay ka dhacay bartamaha Magaaladaas,isla markaana loogu soo xiray gaarigiisa oo ahaa nooca raaxada.

Marxuumka ayaa markii uu dhaawaca soo saaray waxaa loola cararay Isbitaalka Gaalkacyo,hayeeshee halkaasi ayuu ku dhintay sida ay xaqiiyeen dhaqaatiir ku sugan halkaas.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ay ku leeyihiin ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyadda qaraxaas,isla markaana waxaa ay sheegeen inay qarax la beegsadeen Taliyihii Booliska Gaalkacyo,kaasi oo lagu magacaabi jiray Cawil Nuur Rooble.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlad Goboleedka Galmudug iyo kan Degmada Gaalkacyo oo ay uga hadlayaan qaraxii lagu dilay Taliyihii Saldhiga Booliska Magaaladaas.

About Author