Post View....

Taliyaha ciidanka xooga Dalka oo Dalka Talyaaniga kula kulmay Saraakiisha ugu sareysa ee Dalkaasi.

0
123

S/Gaas Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe Taliyaha ciidanka xooga Dalka iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Talyaaniga.

Saraakiisha ciidan ee labada dal ayaa kulan ay yeesheen waxeey uga hadleen hor marinta ciidamada gaar ahaan kuwa Soomaaliya, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tabarada ey Talyaaniga siiyaan ciidamada Xoogga Dalka

Indhaqarshe ayaa madaxda Ciidamada Talyaaniga si gaar ah wuxuu kala hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga eedhinaca ciidanka.

About Author