Post View....

SOOMAALIYA WAXAY JOOGTAA XILIGII QARAN QUUTE IYO DHAMAADKII QABIIL QUUTE

0
135

Waa sadex Qabiil Quutayaal oo cadawnimo iyo danayste nimo ka gaaray in ay sheegtaan sadex madaxweyne oo xukuma sadex dawladood,fiiro iyo dhug u yeelo waxay sidaa ukala qaybinayaan waa dalkeenii soomaaliyeed ee halka dad iyo dawlad ah!!!!!! waa dhamaadkii QABIIL QUUTAYAAL.
Soomaaliya waxay ahayd wadan ka tilmaana wadamada Afrika iyo Aasiya iyo dalalka galbeedka ama guud ahaan caalamkaba. Tilmaantaas oo ahayd mid ciidan, cir iyo dhul iyo bad intaba, xasilooni sharaf iyo dawladnimo buuxda lagu yaqiinay. Soomaaliya waxay ahayd hormuudka afrika iyo dawlad awood badan iyadoo mudo aan badnayd ku gaartay heerkaas.
Soomaaliya waxay ahayd dalka iyo dawlada kaliya ee afkeedu u qornaa qaarada afrika ee la guumaystay taasoo ku tusinaysa qabka iyo sharafta iyo karaamada dadka soomaaliyeed halka afrikada kale lagu qasbay in ay qaataan Afkii isticmaarkii adoonsaday oo kabadaly afkoodii iyo dhaqankoodii kuna qasbay kiisii.
Dadka iyo dawlada soomaaliyeed waxay ahaayeen QARAN QUUTAYAAL. oo macnaheedu yahay qofka soomaaliyeed oo u diyaarsanaa,in uu canshuurta bixiyo dalkiisa,in uu u dhinto oo difaaco dalkiisa oo ka difaaco labada cadaw kan gudaha iyo kan dibadaba,in uu u shaqeeyo dalkiisa sidaa daraadeed qofku wuxuu rumaysan yahay qaranimo iyo dawladnimo in uu ku noolaado,wuxuuna diidan yahay in uu kunoolaado quud qaranka lagu duminaayo oo qabiil mid shisheeye bixinaayo oo qaran dumis ah iyo mid qofka ka soocaaya in khayraadka dalka lawada wadaago si hanaan dawladeed ah,sidaa daaraadeed qufku waa qaran QUUTE. Waxa uuna diidayaa quud aysan soomaali u dhamayn oo ah cad quureed.
Hadaba intii aynu ku jiray burburkii dawladeed,1991 dii,oo aynu hadaynu nahay soomaali dalkeena ku burburinay gacmaheena mudo 27 sanadood ah waxaa inagu dhacay qaran jab.cadawgii soomaaliyeed iyo dawladihii inaga haybsan jiray ayaa inaga adeegtay oo inagu sameeyay fara galin siyaasadeed oo aysan waxba inoola harin iyo kala qaybin dadkeenii iyo dalkeenii maadaama dawladi jirn difaacda dalkeena mudadaas dheer.
Markii dawladnimadii lawaayay,waxaa soobax waxyaabo farabadan oo curyaamiyay dalkii iyo dadkii soomaaliyeed sharaftoodiina hoos u dhigay. mawaxaa soobaxy xili dagaal oogayaal,hadana waxaa soobaxay maxaakiim, waxaa ku xigay afduub cidwalba dilaaya. waxaa kamid ahaa xaaran ku naaxyo lama sookoobi karo inta kooxood ee dalkeena kasoo baxay oo ka faa iidaysanaaya dawlad la aanteena iyo jabkeena soomaaliyeey!.
Waxaa jira in kooxahaas oo dhami ku tiirsanaayeen cadawshisheeye iyo dawlado,ururo maafiya ah oo dadkeena iyo dalkeena halaagayay,iyagoo inoo diidanaa dawladnimo wadajir iyo sharaf intaba.
Hada waxaa inoo dhashay oo dalkeena ka curtay dawlad soomaaliyeed oo dalkeena kusoo dabaalaysa sharafkii iyo karaamadii dadka iyo dalka soomaaliyeed lagu yaqiinay.meesha hada ay wax inoo marayaana dadka soomaaliyeed waa wada ogsoon yihiin dal iyo dibadba waana laysku duuban yahay dawlad iyo shacaba. mahadaana illaahay ayaa iska leh.
Caaimada umada soomaaliyeed MOGDISHO way soo kabatay hormar muuqda ayaana ka jira dhanka nabad galyada dhaqaalaha dhismaha iyo dawladnimadaba waana guul soomaaliyeed.waxa yaroo dhimana waa laysraacinayaa oo dadaal xoog leh ayaa socda. dadka soomaaliyeedna waxay fahmeen waxaan soomaalinimo iyo dawladnimo ahayn cid wax ku noqonaysaa majirto.
Waxaa wali dalka ka jira kooxaha u danbeeya ee ka faa iidaystay soona baxay xiligii aynu burburay. kuwan oo ah QABIIL QUUTAYAAL. Waa maxay Qabiil Quute? Qabiil Quute waa qof ama dad mashaqaystayaal ah,waa dad iimaan laawayaal ah,waa qof ama dad qabiil ku nool ah oo aamin san in wax kasta ay helaan jifadiisa oo kaliye waxna u ogolayn jifo iyo beelkale iska daa dadka soomaaliyeed ee!  waa qof ku qanacsan in jifadiisu haysato xukun hoosaad yaroo ku kooban dagmooyin ama gobol gaara taasoo uu ka jacel yahay in la helo dawlad soomaaliyeed oo dalka oo dhan hanata.
Qabiil Quute waxa uu had iyo jeer xiriir la leeyahay,shirkado maafiya ah iyo dawlado soomaaliya cadaw u ah maadaama uu kasoo horjeedo dawlad soomaaliyeed oo dalkeenu yeesho,maxaayeelay xukun hoosaadkiisaa yar wuxuu u dawladaynayaa jiifooyinka la daga isagoo iska dhigaya dawlad iyo in uu yahay madaxweyne dal,tusaale ahaan bal hada u fiirso.
Muuse Biixi oo kasoo jeeda beesha Habar awal oo ah jifo ka mid ah beelaha isaaq,ayaa waxay ka faa iidaysteen sidaan kor ku xusay dawlad la aantii dalkeena. Waxayna abuurteen maamul yaroo u dawladeeya beelaha dagaankaa dagan,kana qaata canshuurta hada ogoow maha dawlad!! waxayna u sheegaan nin iyaga kamid ah sidaa Muuse Biixi Madaxweyne bal hada ufiirso sida dadka loo khaldayo ee looga hor istaagaayo in dalkooda soomaaliya dawlada ka jirta raacaan oo iyada hoostagaan haday tahay kumeel gaar iyo hadaysan ahaynba sida tan hada dalkeena kajirta.
Beelihii ayaa loo dawladeeyay,mana aha dawlada iyo wax u dhaw toona.hadii jifo kamid ah beelaha ay waxkan iska diidaan waxay u isticmaalayeen hubkii cadawga ehtiopia uu siin jiray,ileen jifo ka adag jifo kale majirtoo waa ognahay ee. waxay hubkusoo gataan canshuurta laga qaado jifooyinka loo dawladeeyo,kadibna waa lagu caburiyaa beeshii dhaqaaqda oo diida iyaga.
Waxaa layiraahdaa iyaga QABIIL QUUTAYAAL waxayna hada cabsi weyn ka qabaan dawlada soomaaliyeed ee dhalatay oo qofwalboo soomaaliyeed uu ka helaayo shaqo sharaf isagoon jifo u dawladaynin oo xor ah.waxay iyagu luminayaan baadii iyo caburintii iyo dhaqaalihii ay ku haysteen beelaha ay u dawladeeyaan. waxay ka dhisteen guryo waawayn lacagahana dibada ayay dhigteen,in badan oo kamid ah. waxay ku faraxsan yihiin oo raali ku noqdeen in ay jifadoodu noolaato oo kaliya jifooyinka kalana gaajo u dhintaan oo ay iyaga hoos joogaan sida aynu hadaba aragno. sidii iyagoo dawlad ah bal yaabkaan aragnay ayay dadka xirxiraan oo lacagahoodana xaaran kaga qaataan iyo xoog.
Muuse Biixi iyo jifadiisu heer ay been ka gaareen dadka iyo beelaha soomaaliyeed ee dagan waqooyiga soomaaliya ee sharafta leh ayuu la hortaagan yahay dawlad baynu nahay gooni ah!! xagee dawladnimadu joogtaa maxaa caruurta loo luminayaa?
Muuse Biixi wuxuu bahdiliyaa dad soomaaliyeed oo xor ah oo heli kara lehna dawlad soomaaliyeed isagoo qaab qabiil ku xirxirtay.danta habar awal waxay ku jirtaa oo ah jifada Muuse Biixi in sidan dadku ahaadaan oo aan lahelin dawlad soomaaliyeed maxaayeelay hadii la helo dadku danihiisu raacan waana lasimayaa laakiin hada inaga usarayna beelaha waqooyi saldano iyo dhaqaalaba, sidaa daraadeed danteena maha dawlad soomaaliyeed oo simaysa dadka kolkaa waa in MOGDISHO aan diidna marwalba.
Muuse Biixi iyo beeshiisu waa QABIIL QUUTAYAAL. marabaan sinaan iyo soomaalinimo iyo dalkoo yeesha dawlad hanata guud ahaan.
Dani oo lamid ah Muuse Biixi ayaa farqiga u dhaxeeyaa yahay in Muuse Biixi ka been badan yahay marka la eego beenta jifooyinkani u sheegaan dadka ay la noolyihiin. Dani oo ah jifada Maxamuud saleebaan  oo ka faa iidaystay burburkii dalka haystana ilaa maanta kursiga Puntland ayaan u sheegin beelaha kale waxaynu nahay dawlad ka madax banaan soomaalida inteeda kale sidaa muuse biixi. inta u dhaxaysaa labada jifo waa intaa oo kaliya. Dani jifadiisu waxay rabaan in ay soomaali wax la qaybsadaan sidaas ayay sheegeen inooma sheegin gooni u goosad iyo dawlad gaara ayaanu nahay.
Dani iyo jifadiisu cabsi xoogleh ayaa gashay hada oo wadnihii ayaa afka yimid! sidaa Muuse Biixi waxayna ka walwashan yihiin fadaraalkii ay keeneen sidii looga bixi lahaa iyo meel loo cararo.Dani madoonaayo iyo jifadiisu in ay dhalato dawlad dalka oo dhan hanata. maxaayeelay Dani jifadiisa maxamuud saleebaan waxay luminayaan lacagtay iyo canshuurtii ay dadka ka guran jireen iyo deeqaha caalamku uu bixiyo oo ay ku ilma korsadaan. waxay iska dhigayaan dawlad isagoo isu haysta madaxweyne!! hadii dawlad soomaaliyeed dalka oo dhan ka taliso hade markaa dadku wuu sinaanayaa. taa madoonayaan.
Farmaajo iyo Khayre dhibay wadan oo dadkii soomaaliyeed ayay simayaan. Dani waxa uu diidan yahay lacag loo dhiibay shacabka soomaaliyeed ee halkaa dagan oo isugu jira kuwo jifadiisa ah iyo kuwo aan ahayn isagoo xabsiga la tiigsaday ku wii aan jifa diisa ahayn yaabka la arkay iyo amakaaga.
waa sidaa Muuse Bixi uxirxiro waxan ahayn jifadiisa. waa isku mid. hadaba qolooyinkan QABIIL QUUTAYAASHA ahi hadii dalku dawlad helo ceebtoodaa loo tagayaa dawladaas oo hanata siday kusocotaba hada dalkoo dhan. maxaayeelay malaha aqoon iyo karti ay ku shaqaystaan irsiq xalaal ah. way is ogyihiin. Markaa iyaga in Qabiilku jiraa uroon oo aan lahelin dawladnimo.
Axmed Madoobe waa jifada reer cabdille KISMAANYO ayuu isaga dhigaa dawlad,isaga iyo jifadiisu waxay door bideen in ay kismaanyo haystaan iyo in dawlad soomaaliyeed oo dalka oo dhan hanata la helo waxaa ka qiima badan kismaanyo oo jifadu haysato axmedna u dawladeeyo. waa uun QABIIL QUUTE waxa uuna lamid yahay Dani iyo Muuse biixi.
GABAGABADII
Shacabka Soomaaliyeed wuxuu kasoo daalay dhibaatada iyo sharaf xumada ay lee dahay dawlad la aantu. waxa uuna ogaaday in dantoodu tahay haldawlad oo dalka oo dhan hanata. waxa uuna raali ku yahay dawlad xun laakiin dalka oo dhan maamusha iska dhaaf dawlad wanaagsan warkeedaba. nin Qabiil ah oo waliba jifo ah ayaa raba in uu dawlad iska dhigo oo shacabka afduubto. dan umaha aha shacabka soomaaliyeed dad ahaan iyo dal ahaan iyo dawlad ahaan intaba. shacabka soomaaliyeed Madoonaayo QABIIL QUUTAYAAL xiligoodiina waa dhamaaday dadku wuxuu quutaa oo an facda dawladnimo loo simanyahay.
dawladna hada soomaaliya way haysataa wataa MOGDISHO fadhida. shacabka soomaaliyeed waa QARAN QUUTAYAAL MANA DOONAYAAN QABIIL QUUTAYAAL. waxaa larabaa in uu is fahmo Qabiil quute in xiligiisii dhamaaday hadii kale waxay noqonaysaa in shacabku guryahooda uugu dhacaan oo labireeyo mardhaw maadaama ay hortaagan yihiin qaran soomaaliyeed. cid taageersan majirto oo aan ka ahayn jifooyinkooda ku naaxay xaaranta ka timaada canshuurta shacabka ay u dawladeeyaan iyo kaalmooyinka caalamiga ah ee dadka loogu dhiibay. waxay doonayaan oo hada ay wadaan in dadka ay ku kiciyaan qaab qabiil iyagoo iska horkeenaya beelaha dhex dooda marna dawlada iyo beelaha maadaama ay ku noolyihiin qaab Qabiil oo kaliya. waxaana nasiib wanaag ah in beelaha soomaaliyeed raacsan yihiin dawladooda.
waxaa wax laga xishooda ah qofka soomaaliyeedna ceeb uugu filan in mid aan waxba ku dhaamin kuu diido dawladnimo iyo soomaalinimo oo isaga kaa dhigo dawlad! adiguna aad garan wayday iga hor dhaqaaq dawladnimaan rabaaye jifo ima deeqdee.