Post View....

Saraakiil Soomaali ah oo kaa Qeyb Galaya Tababarka Hawlgalladda Nabad-Ilaalinta ee QM iyo Midowga Afrika

0
125

26 Saraakiil Sarsare oo Milliteri, kana kala socda dalalka Somalia, Sudan, Rwanda iyo Kenya ayaa ka qeyb qaadanaya Seminaar la xiriira Tababarka Hawlgalladda Nabadda ee QM iyo Midowga Afrika, kaasi oo ka furmay Akadeemiyadda Nabadda ee (The Rwandan Peace Academy) ee Degmadda Musanze ee dalka Rwanda.

Saraakiisha Milliteriga ayaa sheegay inay Tababarkaasi ka qeyb galayaan Saraakiisha sarsare ee dalalka xubnaha ka ah Ciiddanka Heeganka ee Bariga Afrika (East African Standby Force (EASF), waxanaa Ciiddankaasi loogu talagalay inay si degdeg ah loo daad-gureyn karo, si ay uga hawlgalaan hadba dalalka ay xiisadaha ka dhacaan.

Tababarkaasi oo socon doona muddo 3 isbuuc aha waxaa looga dan leeyahay in Saraakiishan loo tababaro Hawlaha Nabad-ilaalinta ee QM iyo Ururka Midowga Afrika, sida Goobjoogayaasha Milliteriga, Xiriirka Saraakiisha iyo La-taliyayaasha Milliteriga.

Agaasimaha Akadeemiyadda Nabadda Rwanda, Kolonel Giles Rotarmara waxa uu ka hadlay Muhiimadda Tababarkaasi ee xilligan, wuxuuna ku sababeeyey inuu ku lug leeyahay doorka aan caadiga ahayn ee Hawlgalladda Nabad-ilaalinta, gaar ahaan arrimaha ilaalinta xad-gudubyadda Hesshiisyadda Xabbad-joojinta, Wada-xaajoodka iyo Dhexdhexaadinta qeybaha ku lug leh Colaadaha.

Dhanka kale Tababarkaasi waxaa maalgelisay Dowladda Sweden, gaar ahaan Hay’dda Iskaashiga Difaaca ee NORDIC.

About Author