Post View....

Sanaag: Hooyo Dhimirka ka xanuunsan oo Caruurteeda Ceel ku riday

0
118

Qof ka mid ah dadka  deegaanka Buraan ayaa waxaa uu sheegay  in Hooyada ay labadadeeda Gabdhood u labistay, kadibna ay ku riday Ceelka,isla markaana saacado kadib la ogaaday”

“Labada cunug waa la waayay balse saacado kadib ayaa waxa sheegtay hooyada dhashay inay ceel ku riday,mana jirin cid la ogeyd,waana ay xanuun saneyd hooyada bilihii la soo dhaafay, carruurta mid waxa uu jiraay saddex midna Afar oo waa ay isku xigeen ayuu yiri Qof ka mid ah dadka  deegaanka Buuraan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xilli dambe ee xalay waqtigii salaada Subax gurmad ay sameeyeen dadka deegaanka ay suurto gashay in labada Carruur oo medy ah laga soo saaray Ceel Biyoodka.

Dhacdadaas ayaa waxaa ad uga naxay dadk ku nool deegaanka Buraan ee gobolka Sanaag,waxaana saakay ay aad u hadal hayaan dhacdadaas ka dhacday deegaankooda, iyada oo Maanta la aasay labadaasi Carruur.

About Author