Post View....

Safiirkii hore ee Turkiga Oo ka hadalnay dhibaatooyinka Imaaraadka Ku hayso Soomaaliya

0
123

Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya oo wareeysi siinayay TRT ayaa yiri” Emaratka wax walba way isku dayayaan oo hagardaamo ku ah Dowlada Soomaaliya ee hada jirta!

Wuxuu yiri Siyaasad liidata ayay Soomaaliya kula dhaqmayaan, siyaasiin & ururo Siyaasadeed oo Ajnabi iyo Soomaaliba leh ayay lacago u soo qaybinayaan si Somalia aysan uga dhalan dowlada awood leh Cagahana lagu dhago.

Warbixinta wargeyska Newyork Times waxaa udiray ama siiyay waa Sirdoonka dalka imaaraatka ayuu yiri Safiirkii hore dalkeena ufadhiyay wadanka turkiga, ayaga oo isticmaalaya warbixin been abuur ah iyo codad lajilay, safiirka wuxuu intaas siiraaciyay in qayb kamid ah bogaga wargayskaas uu maqaal kale kuleeyahay wariye ama qoraa kasoo jeeda dalkaas imaaratka ee dagaalka umuujinaya Somalia.

Maanta waa dalka Qadar Berina waxay dhihi doonaan dalka Turkiga ayaa qaraxyada fulisa ayuu Safiirka hadalkiisa kusoo koobay.

Safiirka ayaa madaxda imaaratka kacodsaday in ay dalkan muslimka ah ee katirsan jaamacada carabta kadaayaan dhibaatada iyo kala qaybinta ay ku hayaan.

Shiine Iska Buufi

About Author