Post View....

Ra’isulwasaare Kheyre oo Maanta ku wajahan Gaalkacyo iyo Sacad oo diiday inay hubka wareejiso

0
105

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu waddaa in Maanta ah uu gaaro Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaruhu uu tagi doono Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana uu bulshadda halkaasi kunool kala hadli doono sidii loo dhameyn lahaa Khilaafka maamulka Galmudug.

Kheyre ayaa la kulmi doono Odayaasha dhaqanka Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana u sharaxi doona Wajiga cusub ee Galmudug, maadaama dowladda Soomaaliya ay la wareegtay dib u heshiisiinta iyo doorashadda Galmudug.

Ra’isulwasaaraha ayaa la filayaa inuu Odayaasha Beesha Sacadka uu kala hadlo qorsho la doonayo in ciidamada Maleeshiyaad halkaas ku sugan lagu soo wareejiyo Dowladda Soomaaliya.

Xog ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegeyso Inay Odayaasha Gaalkacyo ay diideen inay hubka wareejiyaan isla markaasna ay taas keentay inuu Ra’isulwasaaraha Maanta safar ku aado halkaas.

Ra’isulwasaaraha ayaa doonayo inuu odayaasha kasoo dhaadhcsiiyo inay hubka wareejiyaan isla markaasna ay ciidamadaas la wareegto dowladda laguna daro liiska Ciidamada Dowladda ee mushaarka ka qaato Dowladda.

Ra’isulwasaaraha ayaa horey hubka uga soo wareejiyey Ciidamadii Ahlu Sunna ee ku sugnaa Dhuusamareeb iyo Guriceel, sidoo kale wuxuu kasoo wareejiyey ciidamadii ku sugnaa Xiraale iyo Ballanbale.

About Author