Post View....

Rag Boosaaso Loogu Xiray Lacag ay ku Deeqday Dowladda Federaalka

0
132

Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Ammaanka Puntland ay Xabsiga dhigeen Saddex xubnood oo ka tirsanaa guddi loo xil saaray dhismaha wadada bartamaha magaaladaas.

Xubnaha la xiray ayaa waxaa ay kala yihiin maamulihii Amal Bank Boosaaso Sheekh Maxamed Faahiye, Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji iyo Eng. Maalfo,waxana la sheegay in amarka lagu xiray uu bixiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Puntland weli ma faah faahin sababta ka dambeysa xariga Xubnaha guddiga dhismaha ee waddo dhex-marta Bartamaha Magalada Boosaaso,hayeeshee warar soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayaan inay ku lug leedahay lacag $150,000 ah oo dowladda Federaalka ugu deeqday Guddiga dhismaha wadada bartamaha Boosaaso.

Wararka ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in Xubnaha guddiga lagu amray inay lacagtaasi dib u celiyaan,isla markaana la soo marsiiyo Amal Bank Boosaaso,balsed ay diideen taas oo keentay in Xabsiga la dhigo.

Si kastaba xariga Xubnaha ka tirsanaa Guddiga wadada bartamaha magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa kusoo aadaya xilli uusan wanaagsaneyn xiriirka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland.

About Author