Post View....

QM oo billad sharaf guddoonsiisay ilaalada gaarka ah ee xafiiskeeda Soomaaliya

0
114

Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa abaalmarin iyo billad sharafba guddoonsiiyay askarta ilaalada gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo loo yaqaanno UNGU.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ciidamada ilaalada gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Qaramada Midoobay ee shaqada gaarka ah.

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo billad sharafta bixinayay ayaa amaanay wadashaqeynta aadka u wanaagsan ee ka dhaxeysa ilaalada gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo ciidamada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

James Swan ayaa intaasi ku daray in wadashaqeynta ciidamada uu wax badan ka badalay ammaanka Soomaaliya.

Taliya xigeenka ciidamada nabad ilaalinta AMISOM James Lakara ayaa ciidamada ku amaanaya sida ay waajibkooda u gudanayaan iyada oo ay jiraan caqabado badan.

Ciidanka ilaalada gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ilaaliya shaqaalaha rayidka ah, qalabka iyo xarumaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

About Author