Post View....

Qarax ka dhacay Gaalkacyo iyo taliye ku dhaawacmay

0
132

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Galabta uu ka dhacay qarax Gaari,kaas oo jugtiisainta badan laga maqlay Xaafadaha Magalada Gaalkacyo.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu dhejiyay Gaari nooca Soomaalida u taqaano NOH oo uu watay taliyaha Saldhiga booliska degmada Gaalkacyo,waxaana Wararku sheegayaan in taliyaha oo lagu Magacaabo Cawil Nuur Rooble uu qaraxaasi ku dhaawacmay

Wariyeyaal ku sugan Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegeen in taliyaha uu gaariga la qarxay xilli uu marayay Jidka 30ka ee bartamaha magaalada Gaalkacyo,waxaana dhaawiciisa la geeyay mid ka mid ah Isbitaalada ugu weyn Magalada Gaalkacyo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Galmudug ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo hatan ka wada howgallo baritaano ah wallow weli aysan dad u qaban qaraxaas.

About Author