Post View....

Nin U Dhashay UK Oo Maanta La Soo Taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir

0
110

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta bilowday dhagaysiga dacwad ka dhan ah Muwaadin u dhashay dalka Ingiriiska,kaasi oo loo haysto qalqal gelinta Amniga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Hay’addaha amniga ayaa Andrew Braian Irlam ka qabtay Garoonka Adan Cadde lix Bilood kahor gaar ahaan halka lagu hubiyo dadweynaha doonaya inay dalka ka dhoofan,isagoo intaasi u xirnaa hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale weli Maxkamadda kuma dhawaaqin xukunka lagu riday Andrew Braian Irlam oo u dhashay dalka Ingariiska,waxaana la dhageystay oo kaliya Dacwada loo heysto.

About Author