Post View....

Nin aan arkeyn Xafiiskiisa waxa ka dhacayo,wax ma laga weydiin karaa Xafiisyada kale..? =Nasashada Jimcaha.Q-157aad=

0
118

1-Nin ka tirsan Ciidanka CID-da ayaa Xaaskiisa ku yiri: waxaan baarayaa Kiis Fal dambiyeed ah oo khatar ah haddii aan ku guuleeysto waan dalacayaa, Adigana Dahab ayaan kuu gadayaa.

Maalintii Dambe ayuu Xogheyntiisa ku soo qaaday Gaarigiisii Raaxada. Wixii dhacayba!!!, markii ey ka dageeysay Gaariga ayeey Kastuumadeedii ku hilmaantay Gaariga dhaxdiisa. Markii uu gurigiisa yimid ayaa Xaaskiisii oo deg degsani ka qadatay Gaariga Furihiisa, si ey ugu soo adeegato. Waxa ey ku dhax aragtay Kastuumadii, iyadaa oo careeysan oo ku Qeeylineeyso khaa’in ma sidaan ayaad keentay, ayeey kastuumadii jeexjeexday oo Musqushii ku Riday.

Waxa uu ku yiri: Maanta khalad weyn ayaad gashay, Cadeeyntii kaliya ee aan u hayay Fal dambiyeed Naag la dilay lana kufsaday ayaad iga baa’bisay, Anigu xattaa ma taaban Qori yar ayaan Ku soo qaaday si aan uga helo Farihii gacan ku dhiiglaha. Anna dalacaadii ayaad i dhaafisay, adna Dahabkii aan kaa ballan qaaday ayaad is dhaafisay. Naagtii Maslaxo iyo Calaacal ayeey ka bixi weeyday. ( F.S: 1aad)

( War dumarku waa qalbi wanagsan yihiin, ee beenta ka daaya, koley la idinkama sir yaree)

2-Canab yareey ayaa u timid Saaxiibteed Faadumo ayaa ku tiri: Saaxiibeey Ninkeeygu Naag ayuu ila qabaa oo haddaan soo ogaaday. Faadumo ayaa ku tiri: . Naa doqon yeheey iga aamus , ma Adiga oo saan u Qurxan ayuu Naag xun kaa raacay, wallee Aniga oo Quruxdaan oo kale qabo in uuna Ninkeeygu naag kale ila guursadeen..
Canab yareey ayaa ku tiri: Naa ha ceynin , naagtu waa Adigee, Min weyntii ayaad tahay Anna Minyaradii Quruxda badneed.

( Wax hubso hariifadaa ha amaanine, Adna siyaasada hubso…..….)

3- Koo Cabtooy ah ayaa lagu yiri: war Habeenkii markaad Xaaskaaga u tageysid Bisinka ma dhahdaa?. Markaa ayuu yiri: Horta marka loo tagayo Miyir ( Maskax) Bisinka lagu yiraa aawday?. Waxaa lagu yiri: Walba markii aad dhameysato Alxamdu ma tiraa? Marakaa ayuu yiri: Horta Tabar ( Awood) lagu yiraa Alxamdu owday?.

( Xildhibaan ayaa lagu yiri: Markii aad is sharaxeysay, Saaxiibadaa ma u sheegatay?. Waxa uu yiri: yaa Saaxiibo xoog u helo, Odayaasha Beesha ayaa iiga darnaa. Waxaa lagu yiri: Markii lagu doortay walba Odayaashii makuu duceeyeen? Waxa uu yiri: yaaba xasuustay. Waaxaa lagu yiri: Kaligii cunoow kaligaa celceli) ( F.S: 2aad).

4-Oday aad u buuran oo Musqusha ka soo baxay ayaa Macawistii ka dhacday. Waxaa aragtay Adeegtadii guriga, weyna ka jeesatay. Odaygii ayaa ku yiri: Maandhaay, si fiican u fiiri, waxaad iiga sheekeeyn leheeyd sida uu u ekaaday, ileyn 20 Sanno ma aanan Arage oo calooshaa iga qarisay. ( F.S: 3aad)

( Nin aan arkeyn Xafiiskiisa muhimka ah ee uu mas’uulka ka yahay, waxa ka dhacayo, wax ma laga weydiin karaa Xafiisyada kale waxa ka dhacayo)

5- Xaliimo ayaa dhakhtar u tagtay, kuna tiri: Datoore Caloosha ayaa i xanuunee. Datoorkii ayaa ku yiri: Markii kuugu dambeysay maxaad soo cuntay?

Xaliimo ayaa ku tiri: Waxaan soo cunay, Pizza, Chicken, Burger, Kalluun, iyo Coca-cola. Datoorkii ayaa ku yiri: Hadda Facebook iyo whatsApp ma joogno meeshu waa Isbitaal Runta sheeg. Waxa ey tiri: Canjeero, Waryaawayaa iyo Dalacbilaash. ( F.S: 4aad)

(Ar Xaliimaa, inay dadka been u sheegto waa la ogaay, illeyn Caluusheedana been ayay u sheegataa!!!)

6-Nin ayaa xaaskiisii Keenay Dukaanka Kabaha lagu iibiyo, wuuna u iibiyay kabihii, Ninkii ayaa dhulka fadhiistay si uu kabahii ugu galiyay una qiyaaso Cabirka Kabta. Wiilal Ciyaalka Xaafadda ah oo meesha fadhiyay ayaa ku yiri: War oowday raganimadii, ma dadka Hortiisa ayaad Naag kabo ugu galinee?.

Waxa uu ku yiri: Raganimadu ma waxaa ey tahay in Xaaskeeygu ku hor Foorarsato Ciyaalka Suuqa Xaafadda . ( F.S: 5aad)

( iska jir ciyaalka xaafadda Siigaale yeyna ku gaadine)

Qore: Yahya Amir

About Author