Post View....

Mareykanka oo faah faahiyay duqeyn uu ka fuliyay Gobolka Bari

0
127

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 27- Bishaan July duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen Buuraha Golis ,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan  Daacish-ta Soomaaliya.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen hal Xubin oo ka tirsanaa Daacish, isla markaana sidoo kale ay baaritaan ku sameyn doonaan hadii dad rayid ah ay wax ku noqdeen duqeyntaas.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab.

Warkaan kasoo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika  ayaa kusoo aadaya xilli sabtidii todobaadkaan Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ay baahisay in duqeyn Mareykanka uu ka fuliyay Buuraha Golis lagu dilay Xubin ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa loo soo Magacaabay taliye Cusub oo beddelay taliyihii hore,kaas oo dhawaan soo gaari doona Magalada Muqdisho.

About Author