Post View....

Maraykanka Oo Carbis Milateri u bilaabaya Kun Askari oo dalalka Gobolka ka socda Bartamaha Bishaan.

0
94

Qoraal oo ka soo baxay Safaaradda uu ku leeyahay magaalada Addis Abeba ayaa lagu shaaciyey in Ciiddamo tiradoodu tahay Kun Askari oo ka kala socda ugu yaraan 15 Waddan ka qeyb geli doonaan Tababarkaasi Milliteri, kaasi oo socon doona bishan July 15-da ilaa 31-da.

Tababarkaasi oo loogu talagalay in sare loogu qaado Khibradda Ciiddamadda Gobalka iyo kuwa Hawlgalka AMISOM iyo in lagu taageero Hawlgalka Nabad-ilaalinta QM iyo Midowga Afrika.

Carbiskaasi oo loogu magac daray JA19 waxaa ka qeyb geli doona Ciiddamo ka kala socda dalalka Somalia, Jabuuti, Kenya, Uganda, Burundi, Rwanda, Maraykanka, Faransiiska, Kanada, Britain, Brazil, Holland , Jarmalka iyo Ethiopia oo marti-gelinaysa Tababarkaasi.

Ergooyin ka kala socda Ururradda Caalamiga, sida Xafiisyadda QM, Midowga Afrika, Hay’adda Kaalmadda Maraykanka ee USAID, Machadka Nabadda Maraykanka iyo Hay’adda Bisha Cas iyo Shaqaalaha iyo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ayaa iyagana ka qeyb geli doona Dhoolatuskaasi oo sannadkiiba mar la qabto.

Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka waxay sheegtay inay si toos ah u siinayaan Dowladda Ethiopia ku-dhawaad 6 million oo Dollar, sababo la xiriira Tababarkaasi Milliteri ee lagu qabanayo dalkooda, sida laga soo xigtay Safaaradda Maraykanka ee Addis Abeba.

Dhanka kale waa markii 2-aad ee ay Ethiopia marti-geliso Tababaradda Milliiteri ee sare loogu qaadayo Ciiddamadda Gobalka iyo Hawlgalladda Nabad-ilaalinta ee QM iyo Midowga Afrika ka wadaan Qaaradda Afrika, waxayna Ethiopia horey u marti-gelisay sannadkii 2017-ka, iyadoo Carbiskaasi sannadkii hore lagu qabtay dalka Uganda.

About Author