Post View....

Madaxweyne Muuse Biixi oo xil ka qaadis iyo magacaabisba sameeyay

0
123

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/XKQ/222/1-351/072019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis


Ku: Maxamed Daahir Axmed Furre;
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
Ku: Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin;
Maareeyihii Hay’adda Waddooyinka
Ku: Cabdi Nuur Sugaal;
Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal
Ku: Naasir Ayjeex Jaamac;
Agaasimihii Fulinta Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS-ka
Ku: Maxamed Abiib Yuusuf

Agaasimihii Daaweynta iyo Daryeelka ee Komishanka Xakamaynta AIDS-ka
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan:
Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.
UJEEDO : MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda:
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan.
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
1. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
2. Axmed Yuusuf Maxamed Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland
3. Cabdishakhuur Ismaaciil Muumin Aar Agaasimaha Fulinta Komishanka Xakamaynta AIDS-ka
4. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada
5. Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
6. Cawaale Faarax Cilmi Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Awdal
7. Diiriye Cabdi Jaamac Xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka
8. Sahra Maxamed Xuseen Agaasimaha Daaweynta iyo Daryeelka Komishanka Xakamaynta AIDS-ka

About Author