Post View....

Madaxweynaha South Africa iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho ka degay

0
115

Saakay oo Sabti ah waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Air Port magaalada Muqdisho ka soo degay wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowladda Koonfur Afrika Thabo Mbeki.

Wafdiga uu Madaxweynaha hoggaaminayo waxaa ka mid ah wakiilada QM iyo Midowga Afrika, iyadoo garoonka diyaaradaha uu ku soo dhoweeyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Xasan Cawad.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga ay la kulmayaan madaxda sare ee DFS iyagoona ka wadahadlaya arrimo ku saabsan isdhexgalka bulshooyinka ku nool Badda Cad iyo Gacanka Cadmeed.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Afrika Thabo Mbeki ayaa la sheegayaa inuu madaxda Dowladda Soomaaliya kala hadlo xasiloonida gobolka Geeska Afrika, iyadoo ay jiraan khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

About Author