Post View....

La xisaabtan ishaada!!!.

0
118

Aduunyo ayaan joognaa, kuma lihi ishaada xir, meelna ha fiirin, fiirfiiris badan waa jirayaa, damacu waa badan yahay .
Sida: Aduunyo radis, cilmi raadis, Dollar raadis, daaro raadis, dumar raadis, daraji raadis, Diin raadis,IWM.

Laakin ha hilmaamin in ishaadu u badnaato fiirinta wixii ALLA Ku faray Rasuulkuna kuu Soo gudbiyay, waqti ugu talagal, Aduunyo kaliya ha burin. ( F.S: 1 & 2aad)

Waxaa Diinta naloogu sheegay (( Ishii ALLA Ka cabsi u ooysay, Carshiga hoostiisa Ka raadi)) Maalinta Qiyaamaha ee meelaha la harsado ey yaryihiin. Weligaa ALLA Ka cabsi ma u ooysay? Waa hubaa fal aduunyo xanuunkiisa waad u ooysay, yaraantaadii ama weyninkaagii.

Ishuna yeeyna Ku xakumin mar kasta ee Caqligu ha Ku xakumin. Ishu waxa ey Ka mid tahay, xubnaha Qiyaamaha kugu marqaati kacayo, oo Ku leh: halkaa ayuu igu fiiriyay, wanaag iyo xumaanba.

Toowfiiqda ALLA Hana haleeshiiyo, khaatumada khayr.

Waa iga Talo.

Qore: Yahya Amir

About Author