Post View....

Jaga banaan! Adiga Maya!!!

0
134

Bal tan iga hubiya, Ayaan hore waxaan arkay heyad caalamiya oo Laba jago Ka banaan tahay, Laba qof oo Ka shaqeynayo Baydhabo & Baladweyn. Shuruuduhuna ey yihiin in uu si fiican u yaqaan Luqadaha Sawaaxiliga ama Amhariga.!!!!. Oo Labadaa magaalo miyaa looga hadlay luqadahaa, Mise dadka deegaankaa loo diidaa Jagadaa?.

Hadda.

Waxaa jiro WFP – Kenya & WFP – Somalia, tan hore waxaa Ka shaqeyn Karo Kenyaan oo kaliya, tan Somalida ayaa la leeyahay, waxaa Jagadaan Soo codsan Karo oo kaliya qof heysta dhalshada Kenya, waxa uuna Ka shaqeynayaa inta badan Somaliya gudaheeda.

Soow sharcigeenu ma qabo jago uu qaban Karo qof Somali ah in aan Ajnabi loo qaadan. Meeqa dhalin yaro somali ah oo Xilkaa qaban karto ayaa Joogto.

Wasaaradda shaqadu arrimahaan ha fiiriso, Dhalin yaradana shaqo ha u abuurto. Ma ahan WFP oo kaliya fiiri heyadaha kale iyo Xalane, fursadaha shaqo Qofka Xaq u leh hala siiyo.

Bal naga hubiya shuruudahan.

FG: haddii aadan iga aamineeyn, Adiguba fiiri:

(( UN- World Food programme- Somalia. Job Advertisement….. WFP Vacancy announcement. No. 017/2019. Post grade: G5)).

Codsi:

Waxaan Ka codsanayaaa Wasaaradda Shaqadu in ey kula xisaabtanto heyadaha caalamiga ah, in ey dhowraan sharciga Dalka ee Shaqaalaha, si Dhalin yarada Somalidu u helaan shaqo iyo khibrad, waan hubaa in la helayo dhalinyaro badan oo Ku haboon.

Qore: Yahya Amir.

About Author