Post View....

Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay =Qur’aanka Fiiri.Q-18 aad=

0
122

Hordhac:

Nin Filasuuf oo la hadlayay Culumada ugu caansan dhinaca Seyniska reer Galbeedka ayaa yiri: Haddii ey Aqoontaadu yartahay, diin la’aan ayaad u dhawdahay, haddii aad Aqoon fiican leedahayna waxaad Aaminee Diin, waxaadna ku sii dhawaanee Xaqiiqda.

(Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur’aanka fiiri):

Q-18 Xikmadda in Tisxiga Qur’aanka lagu sheego.

Culimada Seyniska ayaa mar dhaw ogaaday in Tisxigu uuna Calool leheyn, oo wixii uu dhuuqo ey toos jirkiisa u galaan, oo aan laga Soo mataji Karin marba haddii uu dhuuqo kadib sababta oo ah Calool iyo mindhicir wax shiidaba Alle kuma Abuurin.

Qur’aanka ayaa naloogu sheegay, in haddii kuwa ALLA geeyrkii caabdudayo iyo kuwa ey caabudayaan ey isku tagaan eyna uumi karin tisxi,wax uu Ka qaatayna ama Ka liqay kama Soo celin karaa. Rasuulkeena CSW ayaa na soo gaarsiiyay 1400 Sanno ka hor, Nabiga CSW oo aan isticmaalin qalabka lagu fiiriyo Caloosha Tisxiga ayaa noo sheegay in aan laga Soo celin Karin wixii uu leqo.
Hadda ayey Culumada seynisku na leeyihiin markaan Qalab casiriya isticmaalnay ayaan ogaanay in uuna Tisxigu Calool leheeyn oo wixii uu liqo ey hore jirkiisa Ka galayaan.

Adiguna wixii aan ka khalday ee Aqoon yaraani ii geeysay iga sax. (Fiiri Aayadda iyo Sawirka Tisxiga)

La soco Qeybta 19aad

Qore: Yahya Amir

About Author